Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Duhurkii maanta waxaa Garoonka C/laahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo kasoo degay wafdi balaaran oo ka socday deegaanada Jubbaland, wafdigaasi oo isugu jiray Odayaal dhaqmeed iyo Ganacsato.
Xubnaha wafdiga oo isugu jiray ganacsato iyo odayaal dhaqmeed ayaa waxay ka yimaadeen magaalada caasimada u ah dalka Kenya ee Nairobi waxayna ku socdeen deegaanada Puntland.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Axmed Cali Salaad, Saraakiisha Amniga iyo dadweyne farabadan ayaa waxay wafdiga ku soo dhoweeyeen Garoonka C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.
Xubnaha wafdiga qaarkood oo warbaahinta si kooban ugula hadlay gudaha garoonka ayaa waxay ka dhawaajiyeen in safarkoodu ku wajahan yahay Puntland, isla markaana inta ay Puntland joogaan ay kulamo la qaadan doonaan madaxda iyo shacabka Puntland oo ay kala hadli doonaan arimaha maamulka Jubbaland ee haatan lagu mashquulsan yahay sameyntiisa.
Masuuliyiinta Maamulka gobolka Mudug ayaa wafdiga waxay usoo gelbiyeen gudaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan halkii loo diyaariyay in wafdigu degaan, waxaana lagu wadaa in wafdigu usii gudbaan magaalada Garowe halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxda dawladda Puntland.
Figradihiina