Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 23 (Ceegaag)— Munaasabad lagu daah furayay Mashruuca wacyi gelinta bulshada Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Hotelka SYL, iyadoo munaasabadan ay ka soo qeyb galeen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, haweenka, culumaa’udiinka iyo bulshada rayidka ah.
Mashruucan ayaa fulineysa Hey’adda Kaah Relief and Development Org, iyadoo ay taaba gelineyso Hey’adda UNICEF.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in mashruucan lagu baraarujinayo bulshada ku nool gobolka banaadir, isagoo xusay in waxyaabaha ka soo bixi doona uu yahay deris wanaaga oo lagama maarmaan u ah amniga iyo nolosha
“Waxyaabaha aan rabno inay meesha ka soo baxaan, waa wax la yiraahdo deris wanaag oo lagama maarmaan u ah, amniga iyo nolosha, sidoo kale wacyigelinta waxaa ka faa’ideysanaya bulshada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Barnaamijkan ayaa ujeedkiisa yahay in la gaarsiiyo degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ujeedkiisa yahay Umadda Soomaaliyeed lagu wacyigaliyo, laguna baraarujiyo inay Aayaha dalkooda ka qeyb qaataan, talana ay ku yeeshaan, ayna ogaadaan xuquuqda ay leeyihiin iyo xuquuqda uu leeyahay.
Ceegaag.com
Figradihiina