Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa ka soo baxay kulankii Albaabada u xirnaa eewada qaateen IGAD iyo Jubbaland ee Kismaayo?

Wararka aan ka helayno xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaaya in xubnihii ka socday urur-goboleedka IGAD ee Isniintii shalay soo gaaray magaalada Kismaayo iyo guddiga soo xulista xubnaha baarlamaanka Jubbaland ay kulanka ku wada qaateen gudaha madaxtooyada.

Kulanka oo ay dibad joog ka ahayd saxaafaddu ayaa warar hoose oo aan ka helnay waxay sheegaayaan in ajandeyaasha lagu falanqeeyey ay ka mid tahay sidii dhakhso loogu soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere oo isla shalay safar kaga soo laabtay Puntland ayaa kulanka maanta goobjoog ka ahaa iyadoo sidoo kale ay madasha fadhiyeen xubno kale oo ka tirsan guddiga loo xil-saaray soo xulista baarlamaanka.

Qodobbada sida adag looga dooday maanta waxaa ka mid ahaa sida beelaha Jubbooyinka loogu qeybinaayo xubnaha baarlamaanka oo aan ka badnayn 76-xubnood, dastuurka Jubbaland waxa uu qoraayaa in tirada baarlamaanka laga dhigo 66 xubnood, balse ergadii soo dooratay madaxweynaha ayaa ka dhigtay tirada baarlamaanka 76 xubnoood.

Soo xulista baarlamaanka Jubbaland oo ay shacabku muddo sugaayeen ayaa wararku waxay sheegaayaan in dhowaan la soo gabagabayn doono sida laga soo xigtay xubnahii ka qayb galay kulankii maanta ee madaxtooyada Jubbaland.

Shalay ayaa magaalada Kismaayo waxaa soo gaaray wafdi sare oo ka socday urur goboleedka IGAD, waxayna garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo uga dhawaaqeen in uu furan yahay xafiiskii IGAD ee magaalada Kismaayo kaasi oo uu horey u ballan qaaday in la furi doono wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Ceegaag Online 

Xafiiska Wararka kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply