Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 29 (Ceegaag)— Shir heerkiisu sareeyay oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya, iyadoo shirkan diirada lagu saaray qorshayaasha dhow iyo marxalada kala guurka ee sanadka 2016, xilligaasoo la rajeynayo in doorasho dhacdo.
Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Xoghayaha Jaamacadda Carabta iyo Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Islaamka.
Waxaa Madaxdii shirkan ka qeyb gashay ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmed Davogtulo iyo madax ka socday Qaaradda Afrika.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada siyaasada, amniga, isagoo soo hadal qaaday dhismaha Maamulada federaalka.
Mr Ban ayaa soo dhoweeyay madashii wada tashiga aheyd ee lagu dhisay magaalada Muqdisho 19-kii bishan iyo Guddiga doorashooyinka madaxa banaan, waxaana uu xusay in sanadka 2016 ay filayaan in doorasho dhacdo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in aysan jiri doonin waqti kordhin, waxaana uu iftiimiyay meelaha ugu muhiimsan ee wax laga qaban karo ay tahay amniga iyo soo kabashada dhinaca dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab taagan yihiin, isla markaana ay sii laba laabayaan dadaalka ay galayaan sidii si dhameystiran hiigsiga sanadka 2016 looga hirgeliyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Muhimadda Nabadda la Maalgashado, Qorsheyaasha Muhiimka u ah sanadka 2016-ka iyo waqtiga ka sii dambeeya.
“Xaqiiqdii, nabadgelyada iyo xasiloonida muhiim ayay u yihiin Soomaaliya. Labadii sanno ee la soo dhaafey horumar ballaaran ayuu dalku sameeyay dhinaca nabadgelyada, iyadoo ilaa 80 % Soomaaliya laga xurreeay ururka Al Shabaab. Aad baan uga mahad-celinaynaa doorka Midowga Afrika uu ciidammo ugu deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la dhiso Ciidamo Soomaaliyeed, kuwaasoo hanan kara howsha Nabadsugida dalka oo dhan, isla markaana la dar dar geliyo isku dhafka Ciidamada lana qarameeyo, si ay ammaanka dalka ugala wareegaan Ciidamada AMISOM
Ugu dambeyn Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed qodobo badan ka koobnaa oo looga hadlay xaalada Soomaaliya, sidii loo xaqiijin lahaa hiigsiga sanadka 2016.
Figradihiina