Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 6 (Ceegaag)— Warar soo baxaya oo ay heleyso ceegag.com ayaa sheegaya in Maxamed Saciid Atam oo sanadkii 2014 ka soo goostay Al-Shabaab uu magangalyo ka helay dalka Qatar.
Sida ay sheegayaan wararka Mr Atam oo hogaaminayay xoogagii ka dagaalamayay Buuraha Galgala oo sanadkii 2012 ku biiray Al-Shabaab ayaa u duulay magaalada Doxa dhamaadkii bishii hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in magangalyada uu ka helay Qatar ay qeyb ka aheyd heshiis horay loola galay, markii uu dowladda isu soo dhiibay.
Wareysi uu siiyay Telefishinka Soomaaliga ee Universal TV ayaa ku sheegay in waxyaabihii uu horay ugu jiray ka baxay, isagoo ku baaqay in wada hadal lala galo Al-Shabaab.
Mr Atam ayaa bishii December ee sanadkii 2014 laga saaray liiska cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka, waxaana tallaabadaas soo dhoweysay dowladda Federaalka.
Sidoo kale heshiiska magangalyo uu ku joogayo dalka Qatar ayaa dhigaya in aanu wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin, lana hadli karin Warbaahinta.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo magangalyada uu Maxamed Siciid Atam ka helay Qatar iyo hadii ay ka qeyb qaadatay magalyo loogu fidiyo dal kale.
Dowladda Federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday inay cafis u fidineyso dhalinyarada iyo saraakiisha Al-Shabaab ee ka soo goosta, waxaana dhamaadkii sanadkii 2014 isku soo dhiibay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab Zakariye Ismaaciil, kaasoo sheegay inuu ka baxay Al-Shabaab.
Dhinaca kale waxaa isna gacanta dowlada kujira sheikh xasan daahir aways oo ilaa hada aan arintiisa dhinac udhicin.
Ceegaag.com
Figradihiina