Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo sameysatay guddi dhaqameed

03/abriil-(Ceegaag)-Shir ay ay isugu yimaaden Culimada, Odoyaasha Dhaqanka, Aqoonyahanka , Waxagaradka iyo Dhalinyarada Beesha Jidle kaasoo ka dhacay Magaalada Muqdisho , uuna Ujeedkiisu ahaa sidii Beesha u yeelan lahayd Hogaan Cusub.
Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Shiikh Maxamed Shiikh Aadan Nuux isagoo ku dheeraadey Muhiimada ay Midnimada iyo isku xirnaanta ay leedahay,taasoo looga gudbi kara Caqabadaha mar waliba yimaada isagoo hoosta ka Xariiqey sida loogu baahan yahay in mar waliba la isku Duubnaado.
“ Beel kasta waxay leedahay Hogaan sidaa darteed qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha waa in ay ku Kalsoonaadaan Hogaankeeda “ sidaa waxaa yiri Shiikh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar ( Abuu Xamza ) wuxuuna Guddiga uu kula dardaarmey in ay si Daacad ah uga soo dhalaalaan Howsha loo igmadey .
Prof Cali Daahir Maxamed oo ka mid ah Aqoonyahanada Beesha oo isna halkaa ka Hadley ayaa sheegey in la gaarey Waqtigii Beesha ay dadkeeda Horumarin lahayd gaar ahaan Dhinaca Waxbarashada , Caafimaadka iyo adeegyada kale ee laga maarmanka ah Dhinaca kale wuxuu u soo jeediyey Gudiga cusub ee Beesha in ay ku dadaalaan Cadaalada iyo isku Xirnaanta .
Gudoomiyaha Cusub ee Beesha Jidle Axmed Cabdulaahi Ibraahim ( Kiinboow) ayaa Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Xilka uu yahay mid Culus balse waxaa looga bixi karaa in la helo Wada shaqeyn Guud waxaa uu sii raaciyey “ sida aad iigu Aaminteen Hogaanka Beesha ayaa anigana ugu soo Dhalaali doonaa sida darteed intii Awoodeenna ah Gudigaan wuxuu isku Xiri doonaa Gudaha iyo Dibada”
Ugu Dambeyn waxaa Kulankaankaas Hadal Qiimo leh ka jeediyey wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux oo sheegey in Dhiniciisa uu so dhaweynayo Hogaanka Cusub ee ay Beesha Dooratey waxaa uu intaa ku darey “ Guddiga Cusub waxaan oran karaa waa dad u bisil in ay wax badan qaban karaan”
“ Midaana waxay igu abuurtey Yadadiilo aad u Wanaagsan ka Wasiir ahaan sidaa darteed waxaan kula dardaarmayaa hagaanka Cusub Samir iyo Dulqaad “ sidaa waxaa yiri Wasiirka oo intaa ku darey “ Reer Qurxoon Waxaa uu soo saaraa Qof Qurxoon oo dalka iyo Dadka Waxtara marka waxaan idiin ka sugeynaa in Hogaankiina uu noqdo mid wax badela” wuxuuna Kulankaas uu ku soo gabagaboobey Jawi Farxad leh oo loo riyaaqey .
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply