Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Iyadoo ay socdaan gargaarka la gaarsiinayo Dadka Fataahada Wabiga ku Waxyeeloobey ee Magaalada Baled Weyne ayaa Midowga Hayadaha Qadar iyo Turkiga oo Gargaar gaasiiyey Dadka ku waxyeeloobey Fatahaada webiga
Hayadahaas ayaa Gargaarka Gaarsiiyey Baled Weyne waxaa ka mid ahaa Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo Hayada TIKA, Deeqdaas oo isugu jirtey Lix Nooc oo Raashin ah , waxaana ka faaiideystey ilaa Shan Kun oo Qoys (5 Kun), waxa kaloo la gaarsiiyey Saddex Kun oo Bacaha Roobka laga galo .waxaa kaloo loo sameeyey ilaa Boqol Musqulood, waxaa iyana hayadahaas halkaas ka bilaabeen Biyo Dhaamin si dadka u helaan biyo Nadiif ah
Waxaa Deeqdaas Gaarsiiyeey Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka oo ugu Horeeya Raiisul Wasaare ku Xigeen Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) , Danjiraayasha Dowladaha aan walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga, Xildhibaano iyo Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Gargaarka waxayna Dhamaantood ay sheegeen in aad uga damqadeen Dhibaatada Baaxada leh ee ay Fathaadaha Geysteen .
Midowga Hayadaha Dowladaha Walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga waxaa u Hadley Madaxa Hayadda Qatar ( Qatar Charity) Mudane Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal waxaa uu sheegey in Gargaarkaan uusan ahayn kii ugu Horeeyey ee ay Jiraan Gurmadyo Badan oo kale
Waxaa kale oo Boqol Kun oo Doolar (100,000$) la Gudoonsiiyey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare sidoo kale Raiisul Wasaare ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu halkaas kaga Dhawaaqey Hal Milyan oo Doolar oo Dowlad ugu tala gashey in la gaarsiiyo Dadka fatahaada ku Waxyeeloobey.
Figradihiina