Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Midowga Yurub oo isku raacay in la bur buriyo Doomaha Dadka Tahriibka Ah

Madaxda midawga Yurub ayaa ku heshiiyay in ay saddex jibaaraan lacagta lagu maalgaliyo hawlgaladooda baadhitaanka iyo badbaadinta ee badda Mediterranean-ka si gacan loga gaysto tirada badan ee muhaajirinta ah ee isku dayaya in ay u talaabaan Yurub iyaga oo ka tagaya waqooyiga Afrika.
Kadib wadahadalo dagdag ah oo ay ku yeesheen Brussels, hogaamiyeyaashu waxa ay sidoo kale ansixiyeen talaabooyin lagu qabanayo laguna burburinayo doomaha ay  adeegsadaan dadka wax tahriibiya.

Kulankan waxaa lagu baaqay kaddib markii ay dhinteen in ka badan sideed boqol oo qof oo doontii ay saarnaayeen ay ladagtay todobaadkii hore.

Dalal badan oo midawga Yurub ka mid ah ayaa ku deeqay maraakiib, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dad arrintaasi ka shaqeeyaba.

Madaxwaynaha gollaha Yurub Donald Tusk, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay iskaashi balaaran layeeshaan wadammada ay muhaajiriintaasi ka imaanayaan si loxayiro tahraabayasha.

Ceegaag.com

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply