Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Milicso Daaqad Taariikheedka Dhismihii Maamulka Puntland

Akhristoow waxaa dhab ah in mutacalimiinta beesha Maxamuud Saleebaan aysan marnaba raali ka ahayn in AHUN Madaxwayne Candilaahi Yuusuf qabto hogaanka beesha Daarood oo markaa Puntlandnimo lagu yabyabayay. Waxaa taa u daliila shirkii Qardho ee lagu kala dareeray 1998kii iyada oo UN tu Cabdilaahi Yuusuf Nayroobi usoo qaaday si uu uga qayb galo shirkii Qaahira. Cabndilaahi Yuusuf ayaa ka horyimid mabadiidii beesha Daarood isaga oo aan ka dhex arkayn inuu madaxwayne Soomaali ugu noqon karo oo uu culayka beeshaa sida uu doono ugu meelmaro.

Shirkii Qaahira markii Masaarida iyo UNtu ku dhawaaqeen Madaxwaynonimadii Cali Mahdi iyo Raysalwasaaronimadii Caydiid, Cabdilaahi Yuusuf wax uu taagtay calankii Hartiga isaga oo shirkii Qardho dib boodhka uga jafay markaana ku soo siyaadiyay beelaha Warsangali iyo Dhulbahante, oo uu u arkayay inuu jaranjarada beesha Majeerteen u diiday inuu xukun ku koro ay u sahashay inuu uga dulboodo.

Caqabadaha hor yaalay ayaa waxaa ka mid ahaa in deegaanada Maakhir iyo Khaatumo hada loo yaqaano ay UNtu xisaabisay Gobolada Waqooyi ee dalka oo mucaawimooyinkii UNta aan loo marin Puntland taasoo uu si hoose ku aqbalay Cabdilaahi Yuusuf si uu xukunka Puntland u xejisto. Waana arinta haatan aad aragtaan in Maamul u samaynta Soomaaliya ay Gobolada Waqooyigu ka maqan yihiin.

Beelaha Dhulbahante iyo Warsangali ayaa 26 xildhibaan ku leh Puntland iyada oo aan gobolka Cayn wax xildhiobaano ah aysan beesha Dhulbahante ku helin. Dhinaca kale UNta ayaana wax mucaawino ah u marin maamulka  Puntland Goboladan mucaawinooyinkooda marin jirtay maamulka Somaliland. Arintan oo keentay inaysan wax awooda ku yeelan maamulka Puntland aakhirkiina isaga huleelaan markii ay u cadaatay miisaanka dhaqaale ee ay ku leeyihiin Maamulka Puntland.

Daawo Daaqad Taarikheedka sida uu u dhismay maamulkaa Soomaaliyeed ee Puntland.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply