Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Milkiilihii “Carwo Qudhaab” Jaamac Maxamed Good oo shilgaadhi ku geeryooday inta u dhaxaysa Laascaanood iyo Garoowe

Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamed Good oo ahaa ganacsade hal-abuur ahaa oo ka caan ahaa Gobolada Sool iyo Nugaal.waxaa uu ahaa qof dabci iyo dadnima wacan waxaana ka marakacaya dadkii yaqaanay. Waxaa uu ka ganacsan jiray midhaha dhirteena ka baxa kuwaada kuwooda la manaafacaad sado waxaa uuna kula baxay magaca caanka noqday ee “Carwo Qudhaab” wuxuu ahaa qof la jecel yahay alle ha jeclaadee,dabeecadiihiisa waxaa ka mid ahaa inuusan dhaafin qofka illaa uu salaamo mooyaane.waxaa uu ahaa farxaani ku qanacsan nolosha wejiyadeeda kala duwan caqabadaheedana u adkaysta.


Halku dhigiisa caanka noqday ee uu halkayska ulahaa waxaa uu ahaa meeriska gabayga ah ee odhanaya “Maxaan dibad u dhoofaa tanaa dherigi taalaaye”” oo uu ula jeeday maxaan qurbe iyo tahriib ka doonaa halkan ayaan ba ka dhergayaaye. Waxaa uu lahaa erayo qaafiyadaysan oo sugaan u badnaa oo uu ganacsigiisa ku kala socodsiin jiray dadkuna mar walba jeclaayeen inay dhegahoodu maqlaan.


Weli jaamac intaan aqaanay kama maqal lanbarkiisa isagoo ku yeedhinaya af qalaad Soomaali mooyaane oo mararka qaar dhalin yarada aan horay u fahmin lanbarka marka soo lagu yeedhinayo ay isku neked mi jireen. Maalintii igu dambaysay waxaan isugu soo galnay hudheel cuno oo ku yaal oo Garoowe waxaana waydiyay ganacsigiisi inuu halkan usoo bedelay waxaanu igu jawaabay Laabtii kefedaynta iyo suuqgaynta waa laga soo rafacay gobolkii lakiin waxaa jira goobo aad ka heli kartaan baahidiina qudhaab waxay ahaayeen erayo wada ashqaraar leh oo aanan hadda wada xasuusan waxaadna jeclaysanaysaa inuu mar walba kula sii joogo kuuna sii sheekeeyo.


Siduu ii sheegay mudadii u danbaysay sitimaanka maalmiihisa hore waxaa uu joogi jiray Laascaanood inta kalena waxaa uu iman jiray Garoowe waxaanu ahaa mid wada u dhaxaysa labada magaalo taraag ku ahaada oo marba magaalo kusii jeeda. Maaha qisadiisii oo abyan balse waa qof ka mida dadkuu jaallayaasha la ahaa intuu ka xasuusto, illaahaw u naxariiso jaamac.

Wariye Xuseen Xasan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply