Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo ayaa shacabka joogaa maanta ku mudaaharadayaan Maamulka wakhtigu ka dhamaaday ee ka ariminaya qayb kamida Magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo banaan bax ay dhigayaan shacab ka careesan dil xalay magaaladaasi loogu geestay Ganacsade caan ka ahaa.
Dadka banaan baxa dhigaya ayaa ka careesan dilka gardarada ah ee xalay magaalada Kismaayo loogu geestay Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon) oo ahaa ganacsade iyo Nabadoon caan ka ahaa magaalada Kismaayo.
Ehelada Nabadoonka iyo dadka kale ee banaan baxa dhigaya ayaa tuhmaya in dilka uu salka ku hayo arimo siyaasadeed, waxa ayna meesha ka saareen in dilkan ka dambeeyaan kooxda Al Shabaab.
Dadka banaan baxa dhigaya ayaa dalbanaya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka lana soo taago maxkamad, waxa ayna maamulka Jubbaland ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen xaqiijinta amaanka waxgaradka Kismaayo.
Dilka Nabadoon Saciid Addoon loogu geestay magaalada Kismaayo ayaa abuuray shaki xoogan, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Nabadoonka sidoo kale ma jirto ilaa hada cid loo soo xiray dilkaasi.
Magaalada Kismaayo waxaa horey uga dhacay dilal loo geestay Nabadoono caan ahaa oo siyaasad ahaan kasoo horjeeday Sheekh Axmed Madoobe, waxaana dilalka Kismaayo loogu geestay Nabadoonada u muuqdaan kuwa la qorsheeyay oo siyaasad salka ku heysa.
Mudaaharaadka magaalada Kismaayo oo dhigiisiina ka dhacayo Magaalada Garoowe
Mudaharaad Ayaa Hada Kasocda Magaalada Garoowe Kaas oo Looga Soo Horjeedo Axmed Madoobe iyo Dilkii Ganacsate Nabadoon Xaaji Siciid Adoon oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Kismaayo.
Maxamuud boocame ayaa ka warinaya ka dib dil badheedha oo loo gaystay Suladaan “Xaaji Siciid Adoon , Ilalahay Ha u naxariisto Xalay Ayaa Kismaayo Lagu Dilay , Wuxuu ka mid ahaa is bedel doonka nin Ganacsate ah ayuu Ahaa Lacag dayn ah ayuu Axmed Madoobe kulahaa, Waxaan La iisheegay Markii Madaxweyne Deni iyo Faroole Kismaayo Joogeen in ay Xaajiga ka Codsadeen in uu Taageero Axmed Madoobe, Xaajigu waxa uu Sheegay in Axmed Madoobe Laayay Dad badan oo Beesha Harti kasoo Jeeda Hanti badana uu Dhacay , Hadii uu arintaas axmed Madoobe Bixinayo Magtii Ragii uu laayay iyo Hantidii ka Qaatay in ay Taageerayaan , waxaaba Ku Xigtay Xaajigi Xalaa La dilay” Maxamuud Boocame.
Ceegaag.com
Figradihiina