Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
54-sano guuradii kasoo wareegtay xoriyadda gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee waqooyiga iyo koonfurta ayaa waxaa xalay siweyn looga xusay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda xuska 1-da July oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu saraysa maamulka Jubba, xildhibaano ka socday baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka socday maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.
Xildhibaan Xaaji Cabdi Yare oo metelaayey xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee munaasabadda kasoo qayb galay ayaa hadal uu jeediyey ku bogaadiyey maamulka Jubba oo markii ugu horaysay Kismaayo ka xusay 1-da July.
Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo munaasabadda ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in ay magaalada Kismaayo ku xusaan 1-da Luuliyo.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadda soo xiray ayaa hambalyada kowda luuliyo kaddib baaq wax qabad u jeediyey Dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Kaddib munaasabadda ayaa markii ay saacaddu ku dhacday 12-kii habeenimo waxaa la saaray calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana halkaasi laga qaaday astaanka calanka dalka.
Waa markii ugu horaysay oo muddooyinkaan magaalada Kismaayo laga xuso munaasabadda 1-da Luuliyo oo ku astaysan israacii gobolada waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya kaddib markii ay xorimadooda ka qaateen gumaystayaashii Ingiriiska iyo talyaaniga sanadkii 1960-kii.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo -Somalia
Figradihiina