Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
17-janaayo ( Ceegaag)- Muhaajiriin Soomaali ah ayay ciidamada Boliska dalka Masar sheegeen inay gacanta ku dhigeen, kuwaasi oo si sharci darro ku soo galay dalkaasi.
Ciiddanka ammaanka Magaalladda Aswaan ayaa sheegay inay Waqooyiga Aswaan ka qabteen 7 Tahriibayaal oo 5 ka mid ah yihiin Soomaali, halka 2-da kalena u kala dhasheen Itoobiya iyo Eritrea.
Wargeyska Albalad ee ka soo baxa dalka Masar ayaa baahiyay in Tahriibayaasha Soomaalida ee la qabtay oo ay da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 30-jir laga soo masaafurin doono dalka Masar, inkastoo aan la ogeyn dalka lagu celin doono.
Boliska dalka Romania, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 60 Tahriibayaal oo ay ku jireen kuwo Soomaali ah, iyadoo afhayeenka Boliska ee dalkaasi, Roxan Costache uu sheegay in Tahriibayaashaasi oo da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 40-jir lagu qabtay Xuduudka Romania la wadaago dlka Serbia.
Ceegaag.com
Figradihiina