Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasabad lagu abaal marinayey 145-Agoon ah ee hoos taga hey’adda Qadar Charity ayaa maanta lagu qabtay Hotel SHAMO ee Magaalada Muqdisho.
Ujeedada munaasabaddan ayaa waxey aheyd, ardada gashay Kaalmaha Sare lagu abaal marinayey laguna dhiiri gilinayey, kuwa aan galine ay asaagood ula tartami lahaayeen, oo ay sanadaha dambe kaalmaha u gali lahaayeen.
Madaxa Xafiiska Qadar Charity ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Cumar ayaa waxa uu sheegay in munaasabaddaan loo sameeyay ardayda Qadar Charity ee Kaalmaha galay in la abaal mariyo, sanad walbana waa wax noo degsan inaan u sameyno xafladaan oo kale in kastoo sanadkaan ardayda Kaalmaha galay ay laba laabmeen, sanadaha soo socdane waxaan rajeyneynaa in ay ka sii bataan.
Raa’ida Cali Maxamuud Abuubakar oo kamid aheyd ardayda kaalimaha galay ee agoonta ah ayaa halkaas ka soo jeedisay Kalimad dadkii ka soo qeyb galay ay aad u jecleysteen, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qadar oo Xafladda Goob joog ka ahaa ayaa u mahad celiyay Hay’adda Qadar Charity wuxuuna halkaas ka caddeeyey in ammaanadii lagu soo aaminay ay sidii ugu wanaagsaneyd u guteen, wuxuuna Hey’adaha kale kula dardaarmay in ay Qadar Charity oo kale noqdaan.
Hey’adda Qadar Charity Xafiiskeeda Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu qabtaa hawlo baaxad weyn oo ay Bulshada Soomaaliyeed wax badan ay ka faa’ideysteen. Munaasabaddiina waxay kusoo gaba gaboowday Jawi Farxadeed.
Cabdinaasir Yuusuf Macallin
Figradihiina