Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 29 (Ceegaag)—Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada Nabi Muxamed (CSW) ayaa shalay lagu qabtay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadan ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan labada gole,culumaa’udiin iyo dadweyne faro badan.
Munaasabadan oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa laga soo jeediyay qudbado kala duwan oo ku saabsanaa Weyneynta Dhalashada Nabiga (NNKH) iyo qasiidooyin nabi amaano ah oo lagu sharfayay Mowliidka Nabi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka Rabiicul Awal halkaa laga soo jeediyay.
Wasiirka Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Shiikh Cali oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyay wanaaga iyo jeclaanta Nabi Maxamed ay tahay mid aad ugu wanaagsan shaqsiga Muslimka uuna marwalba ku daydo waxyaalihii iyo Nabigu sameyn jiray.
Sidoo kale dadkii ka qeybgalay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdsamad Macalin Maxamuud haatana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed waxaana uu halkaas ka soo jeediyay qudbad dheer oo ku saabsanayd taariiqdii Nabigeena Muxamad (NNKH).
Qaar ka mid ah Mashaa’iqdii Soomaaliyeed ee xafladaas ka soo qeyb galay ayaa ka jeediyay qudbado ku aadanaa siirada Nabiga (NNKH) iyo sida loogu baahan yahay in loo weyneeyo Dhalashada Nabi Muxamed (CSW), iyadoo dhanka kalana hoolkii ay ka dhaceysay munaasabadaas lagu xardhay boorar lagu qoray aayado qur’aan ah iyo Axaadiith Diini ah oo tilmaamayay sida ay u banaan tahay in loo ixtifaalo Dhalashada Nabiga.
Guud ahaan culumaa’udiinkii iyo dadweynihii ka qeybgalay munaasabadan ayaa waxay u tacsiyeeyeen qoyskii iyo eheladii uu geeriyooday Allaha u naxariistee naxariistee Khaliif C/rashiid Shire Xuseen (Ilqeyte) waxayna ku amaaneen qoyskii iyo ehelkii uu ka tegey khaliifka inay sii wadaan acmaashii wanaagsanayd ee uu qaban jirey Marxuum C/rashiid Ilqeyte.
Qaar ka mid ah ehelada Marxuum Cabdrashiid Ilqeyte ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan xuska Nabigeena Muxamad (NNKH) ayna sanad walba qaban doonaan,
Ceegaag.com
Figradihiina