Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa Degmada Hodan ee Gobolka banaadir lagu qabtay munaasabad lagusoo nooleynaayay Hiddaha iyo dhaqanka Soomaliya. Munaasabadaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo aghaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan ,Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Marti Sharaf
Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay cayaarihii dhaqanka Soomaliya iyo Dalaga kala duwan ee ay Dadka Soomaliyeed beertaan iyadii Dadkii ka qayb galey Munaasbadaas ay aad uga ugu farxeen iyadoo ka qayb galayaasha ay ad uga heleen Dalagii kala duwanaa ee halkaa lagu soo bandhigey .
Gabagabadii Munaasabadaas ayaa waxaa hadal kooban ka jeedisay Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Xaawo Maxamuud Cali waxay tiri “ Aaad ayaan ugu faraxsanahay in maanta Degmada Hodan ay Martigaliso soonooleynta Dhaqankii Soomaaliya runtii waxaa halkaan lagu soo bandhigay oo ah dhamaan wixii ay ummada Soomaliyeed hilmaamtay ee Dhaqanka u ahaa Dadka Soomaaliyeed, waxaan kula dardaarmayaa ummadda Soomaliyeed in ay dib u soo nooleeyaan Dhaqankoodii wanaagsanaa”
c/naasir yuusuf
ceegaag muqdisho
c/naasir yuusuf macalin
ceegaag muqdisho
Figradihiina