Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad loogu baroordiiqayo shacabkii lagu xasuuqay Hawadey laguna taageerayo go’aankii xukuumada DDSI oo lagu qabtay Edmonton

Jaaliyada dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan Magaalada Edmonton ee dalka Kanada ayaa kulan Tacsi iyo Baroordiiq ah isugu yimid maanta, kulankaas oo loogu duceynayo dadkii shacabka Soomaalida ahaa ee lagu xasuuqay magaalada Hawadey ee deegaanka Oromada. Jaalliyada ayaa si wada jir ah Tacsi ugu diray eheladii dadkii lagu xasuuqay magaalada Awadey bishan September 11-keedii.

Kulankan Jaalliyada DDSI ee magaalada Edmonton, Kanada ayaa sidoo kale lagu taageertay go’aankii geesinimada lahaa ee xukuumada DDSI iyo waanadii madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ee ahaa in shacabka deegaanka soomaalida Itoobiya aysan ku dhaqaaqin ficilo lagu waxyeeleeyo dadka aan waxba galabsan ee ku nool deegaanka.

Jaalliyada DDSI ee Edmonton Kanada ayaa sidoo kale cambaareyn u dirtay shaqsiyaad u dhashay qowmiyada Oromada iyo dabadhilifkyadooda oo ku nool dalka mareykanka oo masuul ka ah abaabulka iyo kicinta qowmiyada Oromada ee xasuuqa geysatay.

Jaalliyada DDSI ee Edmonton ayaa balan ku qaaday inay maxkamad horkeenidoonaan dadka caadeystay daadinta dhiiga dadka shacabka ee u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulankan ayaa sidoo kale looga qaybgalay shir qadka telephone-ka ah oo Jaalliyadaha DDSI ee ku nool 6-da qaaradood ay u qabteen xukuumada DDSI  iyadoo shirkaas uu hadalo qiimo badan kasoo jeediyay madaxweynaha xukuumada dowladda deegaanka soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

www.ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply