Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qasaaraha ka dhashay ismiidaamintii mididiintu ku qaadeen Masaajidka

Wararka ka imaanaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in ay kooxda argagixisada Al-shabaab weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Masaajid ku yaala agagaarka Hotelka Centeral

War aanu kasoo xiganay dhaqaatiirta isbitaalka Madiina oo u waramayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay in ka badan 40-qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu fududahay, halka qaarkood kalena dhaawacyadoodu culus yihiin. Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay qarax is miidaamin oo maanta ka dhacay Hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho, iyadoo tirada dadka ku geeriyooday ay ka badan yihiin 30-ruux oo isugu jira xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dad rayid ah.

Qaraxyada is miidaaminta ee maanta lala eegtay Hotelka Centeral oo u dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa kooxihii geystay waxaa ku jiray haweeney is miidaamisay isla markaana fulisay qaraxii ugu horeeyay.

Magacyada mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku geeriyooday qaraxaasi waxaa ka mid ahaa:-

1. xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug)
2. Xildhibaan Maxamed Ducaale Muuse (Xaaji Kafee) oo ahaa Xildhibaankii badalay Booskii AHN Xildhibaanad Saado Cali Warsame.
3. K/Xigeenkii duqa magaalada Muqdisho Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel)

Sidoo kale Masuul sare oo lataliye u ahaa Raysalwasaaraha dalka Cabdifataax Khaliif Baadiye ayaa wararku isasoo tarayaan inuu ku jiro dadka ku geeryooday werarkaa waxashnimada ah.Waxaakale oo werarkaa ku geeryooday saraakiil ay ka mid ahaayeen Maxamed Axmed Nuur Maxamuud  iyo   Cabaas Cabdilaahi Minashiibiyo.

Ragga weerarka fuliyay ayaa gudaha u galay Hotelka iyagoo toogtay Cabdishakuur mire aadan horeyna wasiir uga soo noqday Maamulka Puntland, iya goo guud ahaan tirada ay ku dhex dileen Hotelka ay kor u dhaafayaan 20-ruux oo isugu jira ilaalada Hotelka, dad shacab ah iyo xubno dowladda Federaalka ka tirsan.

Dhinaca kale waxaa qaraxyadaasi ku dhaawacmay Ra’iisal Wasaare K/xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar, kuwaasi oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qaraxii maanta ka dhacay magaaada Muqdisho,ayaa nasiib darro waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay EEBE ha u naxariistee Suldan Cabdulqaadir Suldan Cali Suldan Y. Keenadiid.

Suldaanka ayaa kamid ahaa dadkii salaada jimcaha ku tukunayey halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo suldaan Cabdulqaadir uu deganaa isla hoteelka ku dhex yiil masaajidka.

EEBE ha u raxmadee suldaan Cabdulqaadir waxaa isagana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray wiilkiisa. Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay qaraxa ayaa waxay u badan yihiin dad kasoo jeeda Puntland iyo Khaatumo State.




Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply