Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muqdisho Caasimad Goblan ah

Qaraxyo isdabajooga oo ka dhacay caasimada dalka Soomaaliya ayaa ilaahada aysan jirin soo afmeerid laga filayo ciidamada nabad galyada ee caasimadu inay ku guulaystaan in ay baajiyaan kana hor tagaan inta aysan argagixisadu bar tilmaamoodka gaadhin.

Dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda ama dalka gudihiisa marka laga reebo deegaanada afduubtu afka u sii duuban tahay ayaana marnaba ka damqanin dhiigbaxa caasimada dalka ee Muqdisho iyada oo loo arko in dadka lagu gumaadayaa caasimada ay yihiin kuwo iyagu ka masuul ah dhibaatada ku habsatay.

Dawlada Nabad iyo Nolol ayaa la gaadhay haatan wakhtigii ay balan qaaday in lasoo afmeero weeraradan argagixisada dalka laga saaro Afduubta shisheeye ee maandooriya ku madax faluuqay dhalinta Soomaaliyeed qaarkood.

Yididiilo ayay u ahayd dadbadan oo u diirnaxaya Soomaaliya kadib markii koox labaxday Macawislay ka bilaabeen halgan hubaysan Mahadaay iyo nawaaxigeeda taasoo hada keentay in ay si naflacaarinimo ah ay u weerarayaan gudaha caasimada.

Muqdisho Caasimad Goblan ah weeye madaama aan looga gurmanay gobolada Soomaaliyeed ee nabada haysta balse goboladaa ay yihiin meelaha ay ku dhuumaalaystaan ama lagaba taageero kuwa dhibka ku wada Caasimada Muqdisho.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply