Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
‘Innaa lillaahi waa innaa ileehi raajicuun!
waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan qarixii waxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee ay fuliyeen kooxda nabadddiidku laguna laayay madaxdii iyo shacabkii u soo baxay soo dhawaynta Raiisal-wasaarahooda iyo madaxdii kale ee wehelisay.
Waxaan ilaahay uga baryayaa marxuumiintaas ku geeriyooday falkaas argagixiso in ilaahay jannadii ka waraabiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, qoysaskii ay ka tageen iyo qaraabadiiba Samir iyo iimaan ka siiyo.
Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan xasilinta iyo sugidda nabadgalyada dalka oo ay faragalin abnidarro iyo fadqalalle siyaasadeed ka wadaan kooxaha argagixisada gudaha iyo kuwa caalamiga ahiba’. Musharax Madaxwayne Bashiir Xaaji Cali(Jamaal)
Ceegaag.com
Figradihiina