Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Musharax Bashiir Xaaji Cali oo Shir Jaraa’id ka qabtay Xaalada Dalka uu Maanta Marayo.

Edmonton Dec 26, 2020. Musharaxa madaxwaynaha Soomaaliya ee 2021 Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa uu ugu diyaargaroobaya safarka Soomaaliya ee ku yaala magaalada Edminton gobolka Alberta ee wadanka Canada.

Musharaxa ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo dulqaato culayska doorashada dhinac walba si ay dawlada cusubi ay u hanato kalsoonida shacabka doorashada dabadeed.

Waxaa kale oo u ka hadlay xaalada uu wadanku marayo isaga oo talo iyo tusaalaynba u soo jeediyay madaxda hada galka hogaaminasa iyo kuwa doonaya inay mustaqbalka dhaw hogaamiyaan dalka.

waxa uuna yidhi.

WARSAXAAFADEED

Maanta oo bisha December tahay 24, 2020 waxaa shirkayagan jaraaid kaga hadlayaa xaaladda doorasho ee dalka 2020-2021.

Waxaan rabaa inaan dul istaago oo wax ka iraahdo dawr qodob:

  1. Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka, dawladaha xubnaha ka ah, daneeyayaasha Soomaaliya iyo Qaramadamidowbey, in ay u guntadaan waajibka ka saaran sidii doorasho daahfuran uga dhici lahayd dalka.
  • Waxaan kaloo ugu baaqayaa Dawladda Federaalka, dawlad-goboleedada xubnaha ka ah iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxwaynenimo ee dalka ka dhacaysa in ay ka fogaadaan wax kasta oo Khalkhal galinaya nabadgalyada iyo xasilloonida dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ee Muqdisho oo ay doorashadu ka dhacayso si xawli ahna uga soo kabanaysaa haarihii dagaalladii sokeeye ee dalka soomaray.
  • Waxaan cidkasta uga digayaa in hanashada xilka madaxwayne loo maro waddo khaldan sida kacdoon shacab iyo durbaan qabiil kaas oo dalka galinkara qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni darro.
  • Waxaan soo dhaweynayaa Shirka labada hoggaamiye ee Punrland iyo Galmud, Mudane Siciid C/llaahi Dani Iyo Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor. Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa cid kasta oo ka shaqaynaysa is fahamka iyo wada shaqaynta masuuliyiinta kala duwan ee dalka.
  • Ugu danbayn, Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan dhankooda xasiloonida iyo  amniga, kana qaybqaataan geeddi-socodka horumarka waddanka.

Waad mahdsantihiin.

Musharrax Madaxweyne: Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply