Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Musharax Sheekh Daahir Axmed oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweyne ee Jubbaland ayaa sheegay in aanay marnaba aqbalayn in 3 qof ay odayaasha dhaqanka soo gudbiyaan, isla markaana guddiga doorashada mid ka xushaan, taasoo haddii ay dhacdo doorashada Jubbaland laga dhexli doono cawaaqibxumo.
Musharaxa Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo isagana halkaas ka hadlay ayaa maamulka Jubbaland ku eedeeyay in uu u dirsaday codsi ah inuu qabto kulan ku saabsan musharaxnimadiisa, kaasoo aan la siin wax ogalaasha ah. Waxaana musharax Ciilmooge uu ugu baaqay guddiga doorshada in ay dhexdhaxaad ka noqdaan doorshada Jubbaland ee dhawaan la qabanayo.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ee Seeraar, kaasoo isagana eedayn culus dusha ka huwiyay maamulka Jubbaland.
Figradihiina