Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Tirada saacadaha la soomo waxay baqdin fara badan ku haysaa Muslimiinta ku nool Reer galbeedka, waxaana saacadaha soonka lagu xisaabaa caalamka oo dhan dhigga iyo loolka uu dal kastaa leeyahay.
Dowladda ugu wakhtiga dheer waxay noqotay Denmark sanadkan 2015, muslimiinta waddankaa ku nooli waxay soomayaan 21-saacadood waxay afurayaan 3-saacadood oo kaliya , sadexdaa saacadood ayay wax cunayaan waxna cabayaan , haddii qofku dawo qaadanayana waa lamid.
Dhanka kale markaan eegno , muslimiinta Argentina iyagaa ugu wakhti yar xagga soonka , waxay sooman yihiin oo kaliya 9-saacadood iyo badh, waana sida ay qorayso khariidada ugu cusub ee soonka caalamka laga sameeyay.
Waxaa kamid ah dowladaha ugu wakhtiga dheer soonka bisha Ramadaan , Iceland, Sweden iyo Norway dowladahaa saacadaha soonkoodu waxa uu noqon doonaa illaa 20-saacadood, waxaa kusoo xiga Netherlands iyo Belgium oo ay muslimiintoodu soomayaan illaa 18-saacadood iyo badh, laakiin Spian waxay soomayaa muslimiinta halkaa ku nooli 17-saacadood iyo badh, ingiriiska iyo Jermalka waxay soomayaan 16-saacadood iyo badh.
Ugu dambayn Muslimiinta Maraykanka iyo Faransiisku waxay soomayaan 16-saacadood
Figradihiina