Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mustaf Dhuxulow “Kuwa go’aansaday inay Shabaab ka soo tagaan, waa in la soo dhoweeyaa”

Maarso 6 (Ceegaag)— Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo horay ugu qeyb qaatay barnaamijka lagu soo xero geliyay dhalinyarada ka midka ahaa Al-Shabaab xilligii uu Wasiirka ahaa ayaa sheegay in guulo badan laga gaaray in wada hadal lala galo dadka diyaarka u ah inay ka soo baxaan Al-Shabaab.
Mustaf Dhuxulow oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay inuu aamisan yahay in dhalinyarada la marin habaabiyay in lagu dhiira geliyo inay ka soo baxaan fikirka Al-Shabaab, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Maxamed Saciid Atam iyo Zakariye Ismaaciil.
“Arrin dowladda ka shaqeyneysay ayuu ahaa, Madaxda dowladda, Golaha Wasiirada illaa Baarlamaanka waxay aheyd arrin loo arkayay in dhalinyarada la dhiira geliyo inay ka soo baxaan fikirka Al-Shabaab, in dowladda cafis u fidiso, wax badan ayay soo kordhin kartaa, guulo badan laga gaaray shaqo badan waa dhiman tahay”ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo horay u qabtay barnaamijyo lagu dhiira gelinayo, dhalinyarada
Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in milateri kaliya aan wax lagu xalin karin, balse loo baahan yahay in fikir loo isticmaalo, lalana hadli dhalinyarada, la fahamsiiyo dhibaatooyinka ay dadka ku hayaan, dadka ay la dagaalamayaan yihiin Soomaali Muslimiin ah, isagoo intaa ku daray in hadii wada hadal dhab lala galo in lagu guuleysan karo in Al-Shabaab ka soo tagaan.
“Dowladda marar badan ayay cafis u fidisay, waxaa shaki ku jirin inaan Milateri ahaan wax lagu xalin karin, waa in fikir loo isticmaalaa, in dhalinyarada lala hadlo oo la dhiira geliyo la fahamsiiyo culeysyada dallka ka jira, dhibaatooyinka ay ku hayaan, inay la dagaalamayaan dad Soomaali muslimiin ah, in la fahamsiiyo, waxaa qabaa dhalinyarada la marin habaabiyay wada hadal dhab lala galo la fahamsiiyo Soomaalinimada iyo Wadaniyada, kuwooda madaxda sare lala hadlo oo dowladda dhankeeda yimaadaan waa muhiim, sida Sheekh Atam oo kale muddo badan lala waday wada hadal, waana laga mira dhaliyay wada hadalkaas”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Calu Dhuxulow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyarada loo sameeyo dhaqan celin, la soo dhoweeyo, laguna qanciyo nolosha, xuquuqdoodana ay helaan, isagoo tilmaamay inuu aaminsan yahay in laga soo bad baadin karo kuwo badan oo aan wali fursad u helin inay ka soo tagaan.
Mar la weydiiyay farqiga u dhaxeeya dhalinyarada Shabaabka ee dowladda xukunka ku rido iyo kuwa madaxdooda ee dowladda soo dhoweyso ayuu xusay inay kala duwan yahay.
“Kii isagoo miino dhigaya ama dagaalamaya la qabto iyo midka si mutadawacnimada isku soo dhiibaya waa kala duwan tahay, sababaha cafiska loo dhiibaya waa inay dhaliyarada ka faa’ideystaan, maxaa yeelay kuwa go’aansaday inay Shabaabka ka soo tagaan, ee dowladda iyo shacabkooda ku sii biiraan oo dambiyadooda qirtaan waa in la soo dhoweeyaa, waxay dhiira gelineysaa inay kuwa kale soo raacaan, waana mid aad iyo aad loogu baahan yahay in la sii xoojiyo, waa in mar walba Shabaabka loogu baaqo in falka xun ee joogtada ay ku jiraan ka soo baxaan.
Mustaf Duxulow ayaa Wasiir ahaa xilligii dowladda isku soo dhiibayeen Zakariye Ismaaciil iyo Maxamed Saciid Atam, waxaana la sheegaa inuu door ku lahaa wada hadaladii lagu soo xero geliyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku cel celisay inay cafis u fidisay Dhalinyarada Shabaab ee ka bar bar dagaalama, inkastoo dhowr jeer horay loogu baaqay inay wada hadal la galaan, balse Al-Shabaab ayaa diiday wada hadal ay la gasho dowladda inta ciidan shisheeye dalka ku sugan yihiin.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply