Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muungaab oo Ka Hadlay Shiicada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in magaalada Muqdisho lagu beero fikir Shiico ah.

Muungaab ayaa hadalkan sheegay xilli uu shalay kormeerayay degmada Yaaqshiid, halkaasoo ay ka socotay olole looga cirib tirayay geedka loo yaqaano Cali garoobka ama Geed Yuhuudka, kaasoo dhibaato ba’an ku haya nolosha iyo bilicda caasimada.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay inay cabasho ka soo gaartay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed iyo bulshada ku dhaqan Muqdisho oo ku saabsan NGO ku shaqeysanaya in magaalada Muqdisho ku beeraan fikirka Shiicada ah sida uu yiri.

“Dhamaan Umadda Soomaliyeed Waa Sunni, mana aqbleyno in Shiica timaado wadankeena, dhamaan hey’adaha Ammaanka Gobolka iyo Gudoomiyaasha degmooyinka, Dhalinyarada Iyo haweenka waxaa la farayaa inay ka Hortagaan soona qabtaan NGO -gii la gu arko, isagoo faafinaya fikirka shiicada”ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Mr Muungaab ayaa xusay in dalka uu dhib ku hayo Argagixiso, isla markaana aanay shiico dooneyn.

“Xamar Aniga ayaa xukuma Shiicana ma aqbaleyno, waxaana dhib nagu haya Argagixiso Shiicana ma rabno”ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu Yiri Gudoomiyaha G/banaadir.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa dhowaan ka digay in NGO-yo soo galay magaalada Muqdisho ay faafinayaan fikirka shiicada, iyagoo ugu baaqay dowladda inay ka hortagaan kuwa dalka ku beeraya fikirka Shiicada.

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply