Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
November 29 (Ceegaag)— Ergeyga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay oo bisha soo socota xafiiska ka tagaya ayaa walaac ka muujinayay dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Amb. Kay ayaa sheegay inuu ka xun yahay dagaalkaas iyo dadka rayidka ah ee ka barakacay guryahooda, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka.
Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu cadeeyay in hadii hub culus loo adeegsanayo bulshada reer Gaalkacyo ay taasi noqon karto dambi dagaal, isla markaana cadaalad lala tiigsan doono kuwa ka dambeeya.
“Madaafiicda shacabka lala dhacayo waa dambi dagaal, Maxkamad ayaana lala tiigsanayaa kuwa ka dambeeyaa, waxaa labada dhinac ugu baaqayaa inay si deg deg ah dagaalka u joojiyaan”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug inay dagaalka soo afjaraan, isagoo xusay inay ka qeyb qaataan dadaalada lagu xalinayo dagaalada ee uu wado Ra’iisul Wasaare Cuma Cabdirashiid.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM uu diyaar u yahay inuu fududeeyo dadaalada nabadeed ee ay wadaan Ra’iisul Wasaaraha iyo odayaasha dhaqanka, si xal waara loogu helo khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.
Ceegaag.com
Figradihiina