Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
November 24 (Ceegaag)—Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo haatan baneynaya xafiiska Nicholas Kay ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in uu sii daayo weriye Jaamac Dabarani oo ku xiran magaalada Garowe.
Nicholas Kay ayaa baaqan ka jeediyay shir loogaga hadlayo saxaafada oo maanta ka furmay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho waxana uu sheegay danjire Kay in la xushmeeyo dastuurka Soomaaliya oo qoraya xorriyada saxaaafada.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa hadal uu ka jeediyay shirkan u furmay qeybaha kala duwan ee saxaafada dalka in sidoo kale loo baahan yahay in saxafiyiinta ay ilaaliyaan shuruucda saxaafada.
Shirkan ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka qeybgalaya ka mid ah xubno ka socda Puntland oo uu horkacayo afhayeenka madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac. Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay maxkamad soo taagi doonto weriye Jaamac Dabaraani.
“Waxaan filayaa in hotelkan uu noqon doono maanta kii ugu dambeeyay ee aan ugaga qeybgalao shir loogaga hadlayo arrimaha Soomaaliya waayo waxaa ii dhamaaday xilligii aan joogi lahaa Soomaaliya waxana aan u mahadcelinayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay iila shaqeeyeen mudadii aan wakiilka u ahaa Qaramada Midoobay.”ayuu yiri Nicholas Kay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa u soo magacaabay ergey cusub dalka Soomaaliya kaasoo bedelaya Nicholas Kay oo muddo labo sano iyo bar ahaa wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya.
Ceegaag.com
Figradihiina