Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

NUSOJ oo Cambaareysay Idaacado ay Ahlusunna Irdaha u laabtay iyo Wariye lagu Xiray Puntland

Ogoosto 22, 2015 (CEEGAAG) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si adag u cambaareeyay xarigga laba idaacadood oo Gobolka Galguduud ka howlgala iyo Wariye lagu xiray degmada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ka tirsan Puntland.
War-saxaafadeed ay NUSOJ soo Saartay ayay ku Sheegtay in Ahlusunna Waljamaaca ay albaabada u laabtay laba idaacadood oo madax-bannaan oo kala ah; Radio Galguduud iyo Star FM oo ka howlgala degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galguduud.
“Waxaa naloogu yeeray shir, waxaana nalagu wargeliyay in daminno idaacadaha Radio Galguduud iyo Star FM, iyadoo aan Faah-faahinno intaas ka badan Nala siin,” ayuu yiri Agaasimaha Radio Galguduud, Cabdifataax Xasan Faarax.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Ibraahim ayaa wuxuu War-saxaafadeedka ku yiri mar kale. “Waanu Cambaareynaynaa idaacadaha ay Albaabbada u laabtay Ahlusunna, kuwaasoo ku yaalla deegaanada ay ka taliso.” Isagoo ku daray intaas. “Tallaabadan waxaan ku Tilmaami karnaa inay tahay Qorshe lagu horjoogsanayo xorriyadda saxaafadda Madaxa-bannaan.”
Ururka NUSOJ ayaa sidoo kale sheegtay in Ahlusunna Waljamaaca ay ogolaadeen inay sii shaqayso Idaacad lagu magacaabo Radio Bulsho oo afka Ururka Ahlusunna ku hadashay, taasoo xarunteedu tahay degmada Guriceel.
Tallaabadan lagu xiray idaacadaha ayaa Waxay imaanaysaa iyadoo horraantii bishaan aynu ku jirno ay Ahlusunna ku xirtay degmada Dhuuso-mareeb shan wariye oo ay ku eedeeyeen inay diideen amarro ay kusoo rogeen.
Dhanka kale, Ururka NUSOJ ayaa Sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) uu si aan sharci ahayn xabsiga u dhigay wariye Axmed Saciid oo u shaqeynayay shabakadda Allcarmo.com.
Wariyahan ayaa la sheegay inuu baahiyay war ku saabsan xaalada caafimaad ee deegaanka Carmo oo 200-km u jirta degmada Boosaaso, iyadoo wariyaha uu xirnaa muddo kooban, balse ay ciidamada booliisku kula kaceen jirdil xooggan oo dhaawacyo ay kasoo gaareen, sida ay baahisay NUSOJ.
“Aad ayaan uga naxnay weerarka loo geystay Wariye Axmed Saciid iyo sidoo kale jirdilka loo geystay,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo intaa ku daray. “Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin inay si Cabsi la’aan ah uga Shaqeeyaan Deegaannada ay ka hawlgalaan laguna xushmeeyo howlahooda.”
Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, wuxuu ugu baaqay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bari ee Puntland inay xushmeeyaan suxufiyiinta sida uu qabo dastuurka u yaalla Maamulkooda.

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply