Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Odawaa “Ahlusuna Miiska Wada hadalka ha yimaadaan, waa dhamaatay waqtigii Qoriga”

Febraayo 9 (Ceegaag)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo shalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna inay Nabada qaataan, oo ay yimaadaan Miiska wada hadalka.

Wasiir Odawaa ayaa ka codsaday Madaxweynaha Galmudug inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana Ururka Ahlusuna ee fadhigoodu yahay Dhuusa Mareeb inuu wada hadal la galo.
“Madaxweyne waxaa kugu dhiira gelinayaa in culeyska la saaro arrinta Dhuusa Mareeb, gaar ahaan Ahlusuna intii aan dhisida Maamulka Galmudug ku jirnay wada hadal dheer la galnay, waxaa aaminsanahay in kuwa jooga Dhuusa Mareeb ay reer Galmudug yihiin, miiska wada hadalkana yimaadaan”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay dhamaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isagoo ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna wax kasta oo ay tabanayaan ku raadiyaan wada hadal.
“Waa dhamaatay waqtigii nin qori leh uu meel ku heysanayay, kooxda joogta Dhuusa Mareeb waxaa leenahay qori waqtigii waa dhamaaday, waxaa soo haray qori is qarxinaya, kaas ayaa la rabaa in dalka laga qabto ee garab ha u noqonina, wixii aad tabaneysaan wada hadal ku raadiya, caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Wada hadalo u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa lagu wadaa inuu dhowaan bilowdo Gobolka Galgaduud.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply