Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
June 28 (Ceegaag)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka hadlayay gaba gabadii shirka doorashada Baarlamaanka ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya howsha maamul dhisida ay ku wareegtay Guddoomiyaha cusub.
Odawaa ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir guushiisa, isagoo xusay in doorashadan ay aheyd mid u dhacday si cadaalad ah.
“Wixii maanta ka dambeeya dhameystirka dowlad goboleedka Galmudug, waxa ay mas’uuliyadeeda ku wareegtay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir, waxaana anagu kala shaqeyneynaa doorashada ku-xigeenadiisa iyo tan Madaxtinimada ee 4-ta bisha soo soco ku beegan, guul ayaan idin rajeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.
Wasiirka ayaa xusay inay tahay tallaabo lagu farxo in qeybtii koowaad ee doorashada guddoonka baarlaamanka ay si nabad ah ku soo gabo gabowday, waxaana uu intaa ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay garab taagantahay geedi socodka shirka ka socda Cadaado.
Dhinaca kale waxaa soo gaba gabowday doorashadii Guddoomiye kuxigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana ku kala guuleystay Xareed Cali Xareed iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin
Si kastaba ha ahaatee 4-ta bisha July oo ku beegan Sabtida soo socota ayaa la filayaa inay ka dhacdo degmada Cadaado doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Ceegaag – muqdisho
Figradihiina