Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Siyaasiga ku fashilmay siyaasadaha maamuladda Puntland iyo Somaliland Axmed Cabdi Xaashi Xaab sade ayaa markii ugu horeysay sheegay in lagu haysto dhul uu isagu iska leeyahay mulkiyadiisa oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay Mr. Xabsade in dhulka xooga looga haysto uu iibsaday sanadkii 1972 waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mr. Xaabsade oo ku caan ah is bad badal dhanka siyaasada ah ayaa haatan ka cabanaya sida uu sheegay qof haweenay ah oo kasoo jeeda magaalada Muqdisho, waxaana si cad u weeraray maamulka gobolka Banaadir oo uu sheegay in ay hantida dadka laga dhacay guryahooda ay wax ka qaban waayeen.
Xaabsade ayaa Hilmaansan Magaalo madaxda Khaatumo oo uu ka iibiyay ama u gacan galiyay Maamulka Somaliland, Booraan Hadimo ha qodon hadii aad qodana hadheerayn ku dhici doontaa mooyee.
xigasho:Somalichannel
Ceegaag.com
Figradihiina