Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ogaysiis: Barnaamijka BADSO

Bishaaro-Bishaaro!

Haddii Eebbe idmo:

Waxaan ku faraxsannahay in June 8, 2014 aan Boston ku qaban doonno kulan baraarujin ah oo af-Soomaaliga, sooyaalkeenna iyo dhaqankeenna ku saabsan.

Haldoorka madashu waa abwaan, qoraa iyo Bare-sare Siciid Saalax Axmed; af-Soomaaliga iyo dadaalka loogu jiro horumarintiisa ayuu i noo ga xog warrami doonaa. Waxa kale oo marti i noo ah abwaan Maxamed Cusmaan, oo suugaanta Soomaalida i noo kala dhigdhigi doona.

Aqoonyahankeenna Boston ayaa sidoo kale xogo dhaqanka iyo afka ku saabsan soo jeedin doona. Bare-sare Xasan Faarax Warfaa ayaa sooyaalka Soomaalida inoo soo koobaya.

Qaybta halabuurka iyo maansada waxaa inoo jooga maansooley dhawr ah, oo uu Ciise Kaamil ugu horreeyo.

Buugaag af-Soomaali iyo af-Ingiriis ku qoran ayaa la soo bandhigi doonaa, oo ay ka mid yihiin: Qayb-Libaax (Siciid Saalax Axmed) iyo Qaamuuska SOOMAAL (qiimuhu waa $100, fadlan degdeg noola soo xiriir si aad u hesho qaamuuskan)! Tartan Aqooneed, oo heer sare ah, ayaa dhalinyarada loo qabanayaa; maaweellada carruurtu na waa diyaar.

Fadlan ha moogaan kulankan, kaas oo dadweynaha Soomaaliyeed loogu faa’idayn doono xogo badan oo ku saabsan dhaqanka, afka iyo sooyaalka Soomaalida.

Fadlan, boogo: https://www.facebook.com/events/570024776452000/

Mahadsanid,
Bahda BADSO

Naga ala soo xiriir: idiris.m.cali [at] gmail.com iyo boggeena Facebook.com/afkeenna.

————————–———-
Hello!

God willing,

We’re excited to announce that there will be an awakening event on Somali language, culture and history on June 8, 2014.

The Keynote Speaker is Siciid Saalax Axmed, an award-wining author, playwright and educator; he is going to discuss the ongoing initiatives in advancing Somali language. Another honored guest of the event is the poet, Maxamed Cusmaan, who will talk about Somali literature.

Our men of letters from Boston are going to speak about our culture and language. Lecturer Xasan Faarax Warfaa will be giving a presentation on Somali history.

There will be a book-fair: Lion’s Share of Siciid Saalax Axmed and the dictionary, SOOMAAL, are among the books to be displayed. There will be a fascinating competition for the youth. Also, babysitting service is available.

Finally, there will be several poetry sessions. Poet Ciise Kaamil will be our main poet.

Please come and join us!

Thank you,
Team SCALE (Somali Culture and Language Education)

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply