Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ogaysiis: FURSAD TABABAR

FURSAD TABABAR

Gobolka Banaadir iyo UNDP Somalia waxa ay bixinayaan tababar ku saabsan kor u qaadidda xirfadaha hal’abuurka ganacsi ee bulshada. Tababarkan waa bilaash waxaana loogu talagalay bulshada barakacayaasha ee Gobolka Banaadir ku nool gaar ahaan kaamamka ku yaala degmooyinka: Hodan, Dayniile, Wadajir, Dharkeenley, Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley.

Tababarku wuxuu soconayaa muddo 3-bilood ah waxaana lagu baran doonaa maadooyinka ay ka mid yihiin (1) Mabaadii’da hal’abuurka ganacsi bulsho, (2) Bilaabidda iyo suuq-geynta ganacsiga cusub iyo (3) qorsheynta iyo maamulidda maaliyadda ganacsiga.

Ujeedada tababarkani waa in laga caawiyo bulshada barakacayaasha ee Gobolka Banaadir ku nool in ay helaan xirfado ay ku shaqeysan karaan oo ay ku taageeri karaan nolol maalmeedka naftooda iyo qoysaskooda, ugu dambeyna kor u qaadi kara heerarkooda nolosha.

Tababarkani waxaa loogu talagalay oo ka faa’iideysan kara qof walba oo  barakaca ah oo magaalada Muqdisho ku nool oo leh astaamaha hoos ku xusan:

  1. Qof barakace ah,
  2. Qof awooda aqriska iyo qorista aasaasig ah ee far Soomaaliga,
  3. Qof awooda xisaabta aasaasiga ah,
  4. Qof waqti haya oo fasal soo xaadiri kara,
  5. Qof si dhab ah u daneynaya,
  6. Tixgelin gaar ah waxaa leh qoysaska ay haweenka ama dhalinyaradu biilaan,
  7. 40% waa haween,

 

Tababarku wuxuu bilaaban doonaa 10–ka November, tirada ardayda la qaadanayana way xadidan tahay ee fadlan hadii aad tahay qof barakace ah oo leh astaamaha kor ku xusan, la xiriir hor-joogaha kaamkaaga si aad isku diiwaan gelisid.

Haddii aad tahay barakace ku nool degmada kaxda, fadlan la xiriir:                        0615299145

Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Wadajir, fadlan la xiriir:                     0615527822

Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Dharkeenley, fadlan la xiriir:             0617280750

Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Hodan, fadlan la xiriir:                       0618224224

Haddii aad tahay barakace ku nool degmada Dayniile, fadlan  la xiriir:                   0615569241

Haddii aad tahay barakace ku nool deegaanka Garasbaaley, fadlan  la xiriir:           0615563334

 

Nasiib wacan!

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply