Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa dhamaan Jaalliyada DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda lagu wargalinayaa inuu jiro kulan Tacsiyeed loo qabanayo dadkii shacabka Soomaalida ahaa ee lagu xasuuqay magaalada Awadey ee deegaanka Oromia.
Kulanka ayaa bari oo taariikhdu tahay September 17, 2017 ka dhacaya xafiiska Jaalliyada DDSI ee magaaladan Edmonton. Hadaba waxaa lagu war galinayaa dhamaan xubnaha Jaalliyada DDSI eek u dhaqan gobolka Alberta inay kasoo qaybgalaan.
Sidoo kale kulankan ayaa lagu cambaareendoonaa shaqsiyaad u dhashay qowmiyada Oromada oo ku nool dalka mareykanka oo masuul ka ah abaabulka iyo kicinta qowmiyada Oromada ee xasuuqa u geysatay shacabka Soomaaliyed ee u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Goobta: Xafiiska DDSI Edmonton- Suite 209, 11125 – 107 Ave NW,
Goorta: Axad, September 17, 2017
Waqtiga: 6:00 PM
Wa bilaahi Towfiiq.
Figradihiina