Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
”
Prof. Afyare Abdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee iyagu sida gaarka ah uga hadla xaaladda dalka ayaa ka hadlay guul darrada siyaasadeed ee hareysay Dowladda Federaalka dalka oo wakhtigu ka sii dhacayo xilli aanay gaarin ballanqaadyadeeda sanadka 2016-ka inay dalka ku gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.
Aqoonyahankaan Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu isagu aaminsanaa mar hore dalka inaysan ka dhici karin doorasho xor ah sanadka 2016-ka, kaddib markii sida uu sheegay kulamo badan la qaatay aqoonyahano iyo diplomaasiyiin ka tirsan dalalka taageera Soomaaliya.
“Kuwii shalay shacabka beenta u sheegay maanta xaqiiqda ayaa u diiday, waxaase ka daran tan ay damacsan yihiin” ayuu ku yiri war uu soo saaray Barfasoorka oo Baarlamaanka uu faraha la galay howshii guddiga doorashooyinka oo uu dhowaan ansixiyay marka ay timaado go’aan ka gaaridda arrimaha doorashooyinka iyo xilliga ay dhaceyso.
Waxaa kale oo aqoonyahankaan Soomaaliga ah ayaa sheegay in la raadinayo qorsheyaal kala duwan oo dhowr ah, kuwaasi oo qaarkood suuqa la keenay, waxaana ka mid ah qodobadaan soo socda:-
1) In waqtiga loo dheereeyo qolada hadda joogta (xukuumad iyo baarlamaan iyadoo aan la kala reebin);
2) In baarlamaanka loogu daro 4 sano oo ay madaxweyne cusub doortaan, islamarkaasna uu madaxweynahaas xukuumad cusub keeno;
3) In gobollada iyo degmooyinka laga keeno ergooyin doorta xildhibaanno cusub oo 4.5 la sii haysto;
4) in 4.5 ay sii jirto laakiin ay xildhibaan walba soo doortaan dad aan ka yarayn 100 qof oo qabiilka kursiga la dooranayo ah?
5. Mid kale oo aan afartan ahayn. Fadlan noo sharax haddii aad fikir cusub hayso.
Mahadsanidiin
Prof. Afyare Abdi Cilmi
Macalin wax ka dhiga jaamacad ku taalo dalka –qadar-doha
Figradihiina