Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Prof. Hussein Warsame oo Ka hadley Sababta Lacagta Shilling Somaaliga wali usii Shaqeyneyso Ey tahey Is’aaminaad kadhaxeysa Dadka Somaliyeed

Pfo. Hussein Ahmed Warsame ayaa habeenkii xaley ee taariikhdu aheyd February 14, 2015. wareysi aad u dheer uu kago waramaayo sida Dhaqaalaha iyo Siyaasad Soomaaliya eey iskula jaanqaadi karaan ayuu kubixiyey Golaha Madhasha #60 oo ah Golaha Falaqeynta Siyaasada soomaaliya. Dr Hussein Ahmed Warsame waa Dhaqaalyahan somaaliyed haystana Shahaadada PhD kuna takhasusey Dhaqaalaha. sidookalena ah macalin wax kadhiga culuunta dhaqaalaha jaamacada layiraahdo Haskayne School Of Businnes, Universaty Of Calgary ee wadanka Canada.


Dr. Hussein ayaa wuxuu aad uga hadley sababta lacagta shilling somaaliga uu wali usii shaqeyso ilaa iyo burburkii wadanka somaliya iyadoo eysan jirin dowlada dhexe oo maamusha lacagtaas ilaa hadana dib dambe loosoo daabicin ayuu wuxuu Prof. Hussein Warsame sheegey sababtu eey tahey is’aaminaada kadhaxeysa dadka soomaliyeed isla markaasna dadku wadaniyad ahaan ujecelyihiin in lacagtoodu eeysan ka’baabi’in.
Dhagayso


Sidoo kale Dr. Hussein Warsame wuxuu isbarbar dhigey kobaca dhaqaalaha wadana soomaliya waqtigii hore oo eysan Dowladii Dhexe burburin inuu waqtigaas dhaqaalahu markaas meel fiican marayey dadkuna nolal fiican kunoolaaayeyn marka loofiirsho nolasha eey hada dadku kuheytaan wadanka soomaaliya. wuxuuna tusaale usoo qaatey malgaalooyinka BURCO iyo HARGEISA oo uu waqtigaas macalin ka’ahaa ayuu sheegey in waqtigaas DADKU heysteyn, Biyo nadiif, Qashinkoo Guryaha Hortooda laga Qaado, School free ah, Hospital Free ah halka maanta magaalooyinkaas kadhisanyihiin duryo dhaadheer oo qurux badan balse dadku aanan heysan arimaahaas aan kor kuxusney!

Wuxuu kaloo Prof. Hussein Warsame kaga hadley arimo badan oo kusaabsan sida dhaqaalaha iyo siyaasadu iskula jaanqaadi karaan. isagoo sidoo kalanena wareysigaan ayuu kusheegey arimo kalo duman oo dhaqaalaha kusaabsan iyo sida dadka Qurbo Joogta ah ey wadanka dhaqaalihiisa saameyn weyn ugu leeyihiin iyo waliba in Maamul Goboleedyada Wadadnka kajira qaarkood heystaan mashiinada lacagta lagu sameeyo taasina sababi karto in dhaqaalahu uu saldhigan waayo.
Gudiga Madasha 60 kii
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply