Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Prof. Jawaari oo kulan la qaatay Jaalliyada Soomaaliyeed ee reer Norway + Sawiro

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalkaNorwayayaa magaaladaOslokula kulmay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn u mahad celiyey DowladdaNorwaysida ay u garab taagantahay shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed lagasoo bilaabo mudadii uu dalka ka dhacay bur burka ilaa hada oo uu Dalku yeeshay Dowlad aan KMG aheyn.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku booriyey qurba joogta Soomaaliyeed gaar ahaanna Jaalliyadda reer Norway iney dib ugusoo laabtaan dalkooda islamarkaana ka qeybqaataan hormarka iminka umaddu hiigsaneyso ayada oo lagama maarmaan ay tahay iney maanka ku hayaan in isku duubni lagu gaari karo hormar.

Kulanka oo ka dhacay hool weyn oo ku yaala bartamaha caasimadda DalkaNorwayeeOsloayaa kusoo dhamaadey jawi aad u wanaagsan waxaana xusid mudan in intii kulanka uu socday Gudoomiyaha Baarlamaanka la gudoonsiiyey Billad Sharaf.

Daawo Sawiradda:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

www.ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag