Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Prof Jawaari oo lagu soo dhaweeyay Ciraaq halkaas oo uu shirar uga qaybgali doono

January 23(Ceegaag)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari] iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq; halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Prof. Jawaari waxaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Baqdaad Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Salim Abdallah al-Jabouri, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ciraaq iyo safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Ciraaq, Khadija Maxamed Almakhzoumi.
Magaalada Baghdad ayaa waxaa horay ugu sugnaa xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka Waddamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Somalia, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), iyadoo uu socdo shirarkii guddiyada kuwaasoo lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada ee dalalka Iskaashiga Islaamka.
Guddoomiye Jawaari ayaa hadal ka jeedin doona shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannada Waddamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC oo Rasmi u bilaaban doona 24-ka bishan Jannaayo ee sannadka 2016-ka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply