Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamada ammaanka Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay dooni ay saarnaayeen Hub iyo waxyaabaha qarxa, kaa soo lagu arkay xeebta deegaanka Qandala ee Gobolka Bari. Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen doonida, markii ay ka shakiyeen.
“Waxaa nala soo xiriiray dadka deegaanka markii ay arkeen dooni nuuca Feber-Galaaska loo yaqaano oo ay wateen niman ajnabi ah oo deegaanka horay loogu arag, anaguna baaritaan iyo howl gal baanu sameynay oo ku soo qabanay”ayuu yiri.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in doonidan ay ka timid dhinaca dalka Yemen, isla markaana Ciidamada ammaanka Gobolka Bari iyo ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ay ku baxeen, ayna gacanta ku soo dhigeen hubka. Hubkan ayaa isugu jiray jawaano ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, rasaas, qoriga lidka diyaaradaha, baasuukayaal, Anti Taangi iyo waxyaabo kale oo loo adeegsado qaraxyada.
Lama oga cid uu si gooni ah ugu socday hubkan, inkastoo loo maleeyo in hubkan loo waday dagaalyahanada Islaamiyiinta ee ka dagaalamaya Buuraleyda Gal-gala.
Figradihiina