Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xildhibaanada Kenya qaarkood ayaa u soo jeediyay dawlada Kenya inay qaadato go’aanka ah inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan.
Xildhibaanka la yiraahdo Fred Outa oo laga soo doorto degmo la yiraahdo Nyando ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in xukuumadda Kenya looga baahanyahay inay ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya waxaana uu sheegay in ciidamada Kenya ay culeys kala kulmayaan joogitaankooda Soomaaliya sida uu yiri.
Xildhibaankaan u hadlay baarlamaanka Kenya waxaa uu sheegay in dawlada Kenya sidoo kale looga fadhiyo inay ka run sheegto khasaaraha ciidamada Kenya kasoo weerarkii lagu qaaday xerada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo 15 bishaan January oo uu sheegay inay dawladu qarinayso khasaaraha ciidamada gaaray.
“Waxaan la kulmaynaa culays xoog leh dawladu ha sheegto inta ay gaarayaan ciidamada aanu weynay ciidankeena hakasoo saarto Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ka tirsan.
Xildhibaankaan oo sidoo kale ka tirsan isbahaysiga Dimoqraadiga waxaa uu xusay inay sidoo kale ka shaqaynayaan sidii ciidanka Kenya looga saari lahaa Soomaaliya oo ay ugu ekaan lahaayeen xaduudooda si ay amaankadalka Kenya kaliya u sugaan.
“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horey loo keenay mooshin ama qaraar ku saabsan in ciidamada Kenya Soomaaliya ka baxaan marka maxay tahay sababta uu M/weynaheena Uhhuru Kenyatta ciidamadeena uga soo saari la’ayahay Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri xildhibaanka Kenyanka ah ee la yiraahdo Fred Outa.
Xildhibaankaan waxaa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsanyahay in Soomaalidu ay ciidanka Kenya u aaminsanyihiin ciidan soo duulay oo aysan u baahnayn shaqada ay Soomaaliya ka hayaan sidaas darteed aanba loo baahneyn joogitaankooda Soomaaliya.
Ciidamada Kenya oo hadda qeyb ka ah howlgalka ururka midawga Africa ee AMISOM ayaa duqeeya meelaha ay dadka rayidka ah degen yihiin marka la weeraro xarumahooda iyo magaalooyinka dalkooda ku yaala inkastoo ay ku andacoodaan in duqeyntaas la bartilmaameystaan saldhigyo Al-Shabab leeyahay.
Ceegaag.com
Figradihiina