Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaar kamid ah Barakacayasha Ku Nool Kismaayo oo maanta Deeq Raashin ah Lagaarsiiyay (DAAWO SAWIRRADA)

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay dhibaatooyin nolol xumo ka cabanayeen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo, dhibaatooyinka oo ka dhashay roobab maalmihii u danbeeyay ka da’ayay gobolka J/hoose ayaa waxa maanta deeq raashiin ah la gudoonsiiyay mid kamid ah kaamamka ay ku jiraan barakacayaasha.

Raashiinkan oo ka koobnaa Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid ayaa waxa la gaarsiiyay Kaam Xamdi oo ka mid ah kaamamka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah, waxayna deeqdani ka timid maamulka Jubba.

Deeqdan ayaa waxa barakacayaasha gudoonsiiyay masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxweeyne kuxigeenka labaad iyo gudoomiyeyaasha gobolka J/hoose iyo kan degmada Kismaayo.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdani ay tahay mid uu maamulka Jubba ugu talogalay dadka barakacayaasha ah ee ay heystaan dhibaatooyinka dhanka nolosha ah.

“Deeqdan ma ahan mid hay’ad ka timid ee waa mid maamulka Jubbaland uu ugu talogalay dadka danyarta ah, Kaamkan ayaan ku bilownay waxaana rajeyneynaa in dhamaan kaamamka aan gaarsiinno,”ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timojilic), wuxuuna dhankiisa sheegay in ka maamul ahaan ay wixii karaankooda ah ka qaban doonaan dhibaatooyinka nolol xumo ee ay ka cabanayaan barakacayaasha, wuxuuna ku dardaarmay horjoogeyaasha kaamamka in ay si cadaalad ah ugu qeybiyaan dadka danyarta ah.

Deeqdan ayaa kusoo beegmeeysa iyadoo roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Kismaayo ay burburiyeen guryo aad u badan oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah, waxayna sidoo kale roobabku biyo dhigeen kaamam dhowr ah oo ay dadkaasi ku noolaayeen, iyadoo qoysas badan oo ay guryahooda biyo fariisteen ay ilaa imika yihiin hoy la’aan.

DAAWO SAWIRADA:

 

Ceegaag Online

Xafiiska wararka kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply