Qaariyada quraanka kariimka ah ee Soo koraya iyo salaada Taraawiixda wadanka Maraykanka
Dacwada islaamka ayaa la’daalaadhacasa in dadkii usoo qaxay qarbiga la baro dhaqankooda iyo diintooda balse dhalinta badankooda ayaa ku ababay uun inay bartaan jisaska hoose ee Quraanka Kariimka iyada oo waliba aysan ardaydu badanaa xafid saneen Quraanka.
Hadaba waxaa aad isku badalay habdhaqankaa sanadadii ka danbeeyay 2015kii iyo waliba markii uu tartanka Quraanka ee dunida uu ku guulaystay Axmed Burhaan Maxamed bishii June ee 2018kii
Axmed ayaa isagu quraanka lagu xafid siiyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota tasoo tartan xoogleh galisay ardaydii, waakidiintii iyo waliba barayaashii inay la’tartamaan gobolkaa ay Soomaalidu aadka u degan tahay.
Magaalada Boston ee carigan Maraykanka Masaajid ay Soomaalida ka yagleeshay dhawrsanadood ka hor Masjidka Alrowda ayaa durdaba soo saaray dhalinyaro la rajeenayo inay ka qayb qaataan tartamada wadanka Maraykanka gudihiisa iyo dibadiisaba hadaba laba kamida dhalintaa Suhayb Jamaal iyo Cilmi Cabdiraxmaan oo dadka tujinaya salaadii Taraawiixda sanadkan nala daawada una duceeya ileen waad soomantihiina in ilaahay barkeeyo ubadkeena meelkasta oo ay joogaan.
Walaallayaal halkan noogusoo dira wixii dhaliil, dhaleeceen iyo dhiiro galin ah/ Please send here you comments either complimentary or complains
webmaster@ceegaag.com ama
Figradihiina