Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ay ka jirto nabad leysku haleynkaro

Kaaliyaha Xogahayaha guud ee Q/midoobay ahna xiriiriyaha Hay’ada UNDP Rebeca Grynspan ayaa daboolka ka qaaday in magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ay ka jirto nabad leysku haleynkaro isla markaana ay dhawaan usoo rarayaan xafiisyada hay’ada UNDP ee  ku yaala magaalada Nairobi.

Rebeca Grynspan oo wareysi siisay Telafashinka press TV,  ayaa sheegtay in mudnaanta ay siineyso la shaqeynta hay’adaha dowlada Federaalka si wax weyn looga qabto xaaladaha ka jira wadanka Soomaaliya.

Dhinaca kale  Rebeca Grynspan ayaa sheegtay in midowga Afrika iyo hay’adaha UN-ka ay usoo guurayaan magaalada Muqdisho,maxaa  yeelay bay tiri magaaladu iminka waa nabad.

Rebeca Grynspan ayaa sheegtay in hay’ada UNDP ay sanooyin badan bixineysay dhaqaalaha ku baxay tababarka ciidamada Booliska, waxana aan bilownay ayay tiri inaan la hadalno wasaarada Maaliyada si loo soo nooleeyo labaatan sano kadib hay’adihii maaliyadeed ee Soomaaliya lahaan jirtay.

Talaabadan ay qaadanayaan hay’adaha UN-ka iyo midowga Afrika ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan dadaalka Beesha caalamka iyo wadamada waaweyn ay ugu jiraan sidii Soomaaliya loo horumarin lahaa.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag