Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax lala eegtay agagaarka xarun ay degan yihiin ergooyinka Shirka Cadaado

June 18 (ceegaag)— Qarax xoogan ayaa goor dhow laga maqlay agagaarka xarunta Kafaalo oo ay degenaayeen Ergooyinka shirka Maamul u sameynta ee ka socda Cadaado, iyadoo qaraxa kadib ay bilaabatay is rasaaseyn.
Sida ay sheegayaan wararka weerarka ayaa ku bilowday qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana kadib bilowday is rasaaseyn.
Wararka ayaa sheegaya in qof watay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu gaariga ku qarxiyay agagaarka Xarunta Kafaalo, iyadoo saddex ruux kale oo hubeysan ay rasaas bilaabeen, waxaana la sheegay inay toogteen saddexdaas nin ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta.
Xarunta la weeraray ayaa waxaa degenaa ku dhowaad afar boqol oo ergo ah, oo matalayay beelaha Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Wararka aanu ka heleyno Cadaado ayaa sheegaya in is rasaaseyn wali ka socoto xarunta, walina aanay kala cadeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.
Wariye ku sugam Cadaado ayaa sheegaya in xarunta oo ay amnigeeda gacanta ku hayaan Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda ay is rasaaseyn dhex martay dabley hubeysan oo qaraxa kadib soo weeraray xarunta.
Inkastoo xilli hore ay tahay, hadana waxaa magaalada Cadaado aad looga dareemay weerarkan xoogan oo ah kii u horeeyay noociisa oo magaalada ka dhaca tan iyo markii uu shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe uu bilowday.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yare) ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay ergooyinka, waxaana ay xustay in Ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas ay ka hor-tageen Ciidamada Amniga, isla markaana laga war hayay gaariga iyo wadada ay doonayeen inay isticmaalaan.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Cadaado, waxaana ay tilmaamtay inay ku dileen askar ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugnaa bar koontarool ku dhow Xarunta uu ka socdo shirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply