Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo lagu tababarayay Ciidamo

Agosto 22 Ceegaag)— Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo, halkaasoo aheyd xarun lagu tababarayay Ciidamadii isku dhafka ahaa ee ka tirsanaa Ciidamada xooga dalka.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlay magaalada oo dhan, waxaana loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo galay xarunta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ruuxa qaraxa fuliyay uu ahaa askari ka tirsan ciidamada tababarka u socday, iyadoo la sheegayo inuu sanad ka hor uu ka soo goostay Al-Shabaab.
Xaruntan ayaa waxaa uu tababar uga socday ciidamo laga kala keenay Gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasoo qeyb ka ah isku dhafka Ciidamada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada tababarka la siinayay ay isugu jireen kuwo Maamulka Jubbaland iyo ciidamo qeyb ka noqonaya Ciidamada isku dhafka ee Gobollada dalka laga keenayo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa tababarayaal u ah ciidamada ku sugnaa xarunta Jaamacadda Kismaayo.
Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare baaxad leh, inkastoo aan la heyn tirada rasmiga ah, waxaana kacsan xaalada magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in durbaba saameyn ku yeeshay qaraxan, waxaana la xiray qeybo ka mid ah ganacsiga magaalada, iyadoo laga cabsi qabo howl gallo ay ciidamada sameeyaan.
Al-Shabaab ayaa durbaba sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana qoraalo lagu baahiyay baraha bulshada lagu sheegay in khasaare xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply