Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax xoogan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyn

Maarso 7 (Ceegaag)— Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Beledweyn, kadib markii boorso la sheegay in waxyaabaha qarxa ku jireen ay qaraxday.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana la sheegayaa in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, xilli ay socotay baaritaan lagu sameynayay boorsooyin laga soo dejiyay gaari bas ah oo kuwa rakaabka raacaan.
Boorsada qaraxday ayaa la sheegay inay ku jirtay Laptop la rumeysan yahay in waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay.
Gaarigan ayaa la sheegay in gudaha magaalada Beledweyn uu ka soo qaaday rakaab ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Beledweyn, waxaana inta aanay dadkaas diyaarada raacin lagu sameeyaa baaritaan iyaga iyo boorsooyinkooda.
Illaa afar ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana ku jira askari ka tirsan ciidanka Jabuuti iyo dad rayid ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in boorsada qaraxday ay saarneyd gaari bas ah oo ka yimid magaalada Beledweyn, waxaana boorsadaas ay ka mid aheyd boorsooyinkii dad rakaab ahaa oo diyaarad ka raaci lahaa garoonka diyaaradaha Beledweyn.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Taliska AMISOM, hase ahaatee bartilmaameedk qaraxa ayaa u muuqda mid lala damacsanaa diyaarada rakaabka ee ka duuli laheyd garoonka diyaaradaha Beledweyn.
Bishii hore ayay aheyd markii qarax uu ka dhex dhacay gudaha diyaaradda Daallo, markii ay ka dhooftay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana qaraxaas ku dhintay ruux watay Laptop lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, iyadoo markii dambe mas’uuliyada qaraxaas ay sheegatay Al-Shabaab.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply