Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qeybaha ka maqan Maamulka Jubbaland oo maalmaha soo socda la dhameystiri doono (Exclusive)

Xubin sare oo ka tirsan shirka guddiga farsamada ee shirkii Maamul u sameynta Jubbaland ayaa ayaa Ceegaag Online u xaqiijiyay in maalmaha soo socda la dhameystiri doono xubnaha ka maqan Maamulka Jubbaland.
“Liisaska Xildhibaanada iyo wasiirada Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo gudbiyay, waxa hadda dhiman waa in la shaaciyo magacyada, taasna maalmaha soo aadan ayay dhici doontaa, odayaasha iyo ugaasyada beelaha Jubbaland iyaga ayaa madaxweynaha u gudbiyay liisaska cidda u mataleysa Xildhibaanada” ayuu sii raaciyay, xubin ka tirsan gudiga farsamada oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

 

Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo looga dhawaaqay kadib shirweyne ay isugu imaadeen waxgaradka beelaha Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana 15-kii bishii may Madaxweyne loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana Maamulka Jubbaland hadda uu leeyahay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeyn.

 

Cegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag