Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qodobadii Lagu Heshiiyay Wada hadalkii Deegaanka Aadan Walaal ee Degmada Xadhadhanka

Deegaanka Aadan Waal oo hoostaga Degmada Xadhadhan ee gobolka Cayn saakana uu shir nabadeed uga furmay beelaha Habarjeclo iyo Dhulbahante ayaa goor dhoweyd laga soo saaray qodobo ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen Gudiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa waxaa kamid ahaa.

1. In Xabad joojin rasmi ah la dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee dagaaladu dhexyaalaan.

2. In la kala qaado ciidamada hubaysan ee ku sugan jiidihii dagaaladu ka dhaceen.

3. In 20 maalmood kadib shirweyne nabadeed oo si rasmi ah loogu soo afjarayo colaada la isugu yimaado.

4. In Shirweynaha Nabadda ay qabato beesha H/jecl kana dhaco deegaanka Coodanle.

5. Shir weynaha ka hor ayaa la isla qaatay in nabadda si wada jir ah looga wada shaqeeyo.

6.  In Cidii wax geysta shiweynaha ka hor ay gaar u noqonayso labada dhinac midkii uu noqdaana lasoo qabto.

7. In wax Siyaasad ku lug leh laga ilaaliyo shirweynaha nabadeed iyo wada xaajoodka beelaha.

Si loo dhaqan geliyo qodobadan waxaa labada dhinac laga dhaariyey 22 Xubnood oo qoladiiba laga dhaariyey 11 Xubnood waxaana si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay odayaal ka kala socdey labada dhinac oo sheegay in heshiiskan ay ku qanacsan yihiin.

Iskusoo wada duuboo Heshiiskan lagu gaadhey Deegaanka Aadan Waal ayaa horu dhac u ah Nabad waarta oo ka dhalata deegaanada Dirirtu kusoo noq noqotay ee gobolka Cayn inkasta oo dadka qaar walaac ka qabaan in Somaliland lug siyaasadeed lasoo gasho shiweynaha nabadeed ee loo balamay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply