Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kalfadhigii 2aad ee Golaha Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) wuxuu qabsoomay 15 – 16kii Janaayo 2014. Waxaa lagu qabtay magaalada Jigjiga, magaala-madaxda Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Qabanqaabada kulanka waxaa lala kaashaday oo gacan weyn ka geysatety Jaamacadda Jigjiga oo uu hormuud ka yahay Guddoomiyeheedu, Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim. Kulanka waxaa furay madaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Degaanka ahna Wasiirka Caafimaadka, Mud. Cabdifataax Maxamed. Wuxuu ku furay khudbad isugu jirtey soo dhaweyn Kalfadhiga Golaha, bogaadin iyo xog-warran dadaalka Dawlad Degaanku ugu jirto guud ahaan horumarinta dalk gaar ahaanna horumarinta afka iyo dhaqanka ummadda. Waxaa kaloo xafladdii furitaanka ka soo qaybgalay madax sare oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka, Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Xafiiska Aydhiska iyo madax kale, iyo sidoo kale madaxda iyo macallimiinta Jaamacadda Jigjiga, maamulayaasha dugsiyada, aqoonyahanno kale, bahda dhaqanka, bahda warbaahinta iyo waxgarad kale.
Ka dib erayadii furitaanka oo ay jeediyeen Madaxweyne-ku-xigeenka Mud. Cabdixakiim, Guddoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka, Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi, iyo suugaan afka ku saabsan, waxaa golaha loo soo jeediyey xogwarran ku saabsan siyaasadda afafka ee guud ahaan Itoobiya gaar ahaanna Dawlad Degaanka Soomaalida, iyo sidoo kale barnaamijka cusub ee heerka digriiga ah ee Jaamacadda Jigjiga, kaas oo ay xubnaha Goluhu ka geysteen talo-bixin laga codsaday. Ka dib goluhu wuxuu guda-galay hawlihii u gaarka ahaa. Qodobbada hawlahaas waxaa ka mid ahaa warbixino wixii AGA u qabsoomay muddadii lixda bilood ahayd ee ay jirtey; waxqabadka u qorshaysan muddada ka harsan xilligii xilka loo igmaday Golahan; arrimo taagnaa oo meel-dhigid u baahnaa iwm. Dood-wadaag diirran iyo falanqayn dheer ka dib Goluhu wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:
a) inuu Guddoomiyuhu dib u eegid ku sameeyo ka dibna xubnaha Golaha u kala diro qabyo-qoraalkii uu hore u diyaariyey guddigii Asaas-dhigga AGA;
b) Xubnaha Golaha inuu midkood waliba dib eego kana soo ra’yi-bixiyo;
c) Intaa ka dib in lagala tashado xeeryaqaan ku xeeldheer xeerka caalamiga ah (international Law);
d) In markaa ka dib loo gudbiyo ansixinta shirweynaha iyo madaxda Dawladaha ay khusayso.
10. Laanta Kenya:
a) Waxaa lagu bogaadiyey guud ahaan dadaalkooda gaar ahaanna fikraddooda ah inay qabtaan kulano uu ugu soo horreeyo kulan dadweyne oo bulsho-weynta reer Kenya lagu barayo AGA, waxaana la faray inay ku beegaan Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo, 21ka Febraayo. Waxaa la go’aamiyey in munaasabaddaas lagu beego booqasho-hawleedda Kenya ee masuuliinta AGA
b) Waxaa laanta Kenya lagu boorriyey inay ka warkeenaan arrintii ku laallayd Wasiirka Dhaqanka ee Kenya.
11. In la xoojiyo laamaha/wakiillada Somaliland, Puntland iyo qurbaha.
12. Goluhu wuxuu bogaadin weyn iyo mahadcelin ballaadhan u soo jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, sida hagarla’aanta ah ee uu had iyo jeer ugu dadaalo horumarinta afkeenna hooyo iyo dhaqanka ummadda; waxaana mahad gaaar ahaaneed Goluhu uga celiyey kaalintii hormuudnimo ee uu ka soo qaatay u gogoldhigga asaaskii AGA iyo fududaynra hawl-galkeeda, taas oo ay ka mid ahayd ku deeqiddii xafiiska qalabaysan ee ay AGA shaqadeeda ku bilowday.
13. Sidoo kale Goluhu wuxuu si weyn u bogaadiyey Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dadaalka weyn ee uu muddadii uu madaxweynaha ahaa ku dadaalay qiimaynta iyo xoojinta afka hooyo iyo noolaynta dhaqanka ummadda; Goluhu wuxuu rajaynayaa inuu dadaalka labadaa madaxweyne ku dayasho wanaagsan u noqdo hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaalida.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
Muqdisho, Soomaaliya
ceegaag.com
Figradihiina