Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qoyska Wiilka Maraykanka loogu xirey Saacad uu alifay oo u guuraya dalka Qadar

October 21 (Ceegaag)—Inkayar 24 saacadood kadib markii Madaxweyne Obama uu la kulmay wiilka 14jirka ah ee Axmed Maxamed ayaa qoyskiisu waxa ay go’aansadeen inay u guuraan dalka Qadar.
14jirkan ka soo jeeda gobolka Texas ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu keenay iskuulkiisa wax u qaab eg bambo balse ahaa saacad uu ku soo farsameeyay gurigiisa.
“Kadib markii aan tixgelinay soo dhoweyn iyo martiqaad aan ka helnay hay’adda Qatar Foundation for Education, Science and Community Development (QF) in uu u soo biiro Axmed qeybteeda dhalinyarada fikirka leh ayaan go’aansanay in aan u guurno dalka Qadar ,”ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay qoyskan shalay.
Madaxweyne Obama ayaa shaqsiyan u casuumay wiilkan 14jirka ah waxana uu kula kulmay aqalka cad ee Maraykanka isagoo ugu hambalyeeyay madaxweyne Obama wiilkan.
Kadib markii uu ka tegey iskuulka ku yaal magaalada Texas qoyska wiilkan ayaa la kulmay fursado faro badanoo ugaga yimid hay’ado caalami ah oo dunida ku kala yaal.
Wareysi taleefanka lagula yeeshay Talaadadii gabar 19jir ah oo ay walaalo ahaayeen Axmed laguna magacaabo Eyman ayaa sheegtay in cadaadis xoog leh oo aysan weligood qiyaasin la saaray.
Nin ay qoyskan saaxibo dhow yihiin laguna magacaabo Bond ayaa sheegay in qoysku uu qorsheynayo in uu toddobaadka soo socda uu guuro, Bond ayaa sheegay inuu ka bilaabayo dugsi u uleeyahay Qatar Foundation, halkaas oo uu ka helay deeq waxbarasho, waalidkiis iyo walaalihii ayaa sidoo kale degi doona dalka Qadar.
Qoyskan ayaa aad u amaanay magaalada Doha iyagoo sheegay inay ku qanacsan yihiin nolosha magaalada Doha ee dalka Qadar.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply